Jaamacadda Muqdisho oo Sannad waxbarashadeedka 2010/2011 qaadnaysa arday cusub

Isniin, July 19, 2010 (HOL) - Jaamacadda Muqdisho oo horseed u ah waxbarasho tayaysan, kuna qaabaysan halbeega casriga ee tacliinta Dunida, lehna aqoonsi caalami ah oo ay ka qalin-jabisay dufcadii 10-aad ayaa qaadaysa arday cusub sannad waxbarashadeedka 2009/2010.

Jaamacaddu waxay ku wargelinaysaa Dhammaan ardaydayda ka qalinjabisay dugsiyada sare ee gudaha iyo dibadda in Jaamacaddu qaadanayso arday cusub sanad wax barashadeedka 2010/2011.

Kuliyadaha kala ah:

1. Faculty of Sharia & Law: oo ka kooban: a) Sharia & Law.

2. Faculty of Education: oo ka kooban:

a) Social Science. b) Arabic Language. c) Islamic Studies

d) Math & Physics e) Biology & Chemistry.

3. Faculty of Arts & Humanities:

oo ka kooban:

a) History & Civilization. b) English Language & Literature.

c) Arabic language & literature d) Geography

4. Faculty of Economics & Management Science:

oo ka kooban:

a) Economics b) Business Administration c) Accounting d) Public Administration

5. Faculty of Computer Science & Information Technology:

oo ka kooban:

a) Computer Science. b) Information Technology.

6. Faculty of Nursing:

oo ah : General Nursing:

7. Faculty of Political Science & Information:

oo ka kooban:

a)Political Science. b) Journalism & Information.

F.G

: Jaamacadda Muqdisho waxaa ku cusub sanadkan fursad ay ka faa’iidaysankaraan dhamaan ardayda jecel waxbarashada ee ku mashquulsan hawlo shaqo ama adeega bulshada oo aanay u suurta galaynin in ay xaadiraan duruusta joogtada ah, taasoo ah nidaam ka fududaynaya Xaadiridda islamarkaana dhawraya tayada tacliinta looga bartay jaamacadda Muqdisho.

Fursaddani waxay ka jirtaa dhamaan takhasusyada jaamacadda marka laga reebo kuliyadaha Nursing, Coputer Science & Information Technology iyo qaybaha cilmiga ah ee kuliyadda waxbarshada.

Qabashada faylashu waxay ka bilaabanaysaa Xarunta Maamulka Jaamacadda ee KM5 Maalinta Sabtida, 24/07/2010waxayna ku ektahay Khamista, 19/08/2010.

Maalmaha shaqada

: Sabti ilaa Khamiis. Saacadaha shaqada: 8:00 AM ilaa 3:00 PM. Wixii faah faahin dheeri ah fadlan kala xiriir Xafiiska diiwaangalinta: 

Tel: 002525-932454 002525-932366 002521-223433 002521- 858479
 
Fax: 002521-216820 ama E-mail: 
[email protected] www.mogadishuuniversity.com

MAHADSANIDIIN

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected] 
Muqdisho, Soomaaliya