Isniin, July 19, 2010 (HOL) - Taliyaha ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir G/sare Axmed Xasan Maalin ayaa uga digay ganacsatada hubka inay hubka ka iibsadaan ciidamada Dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in ganacsadihii lagu helo arrintaas uu mudan doono ciqaab adag.
G/sare Axmed Xasan wuxuu sheegay inay sameeyeen ciidamo dabo-gal ku sameeya ciidamada Dowladda ee hubkooda iibsada iyo ganacsatada ka iibsada, ayna haddii lagu qabto arrintaas labadooda la geyn doono sharciga hortiisa.
"Ciidamada Dowladda waxaan uga digaynaa inay hubkooda ka iibsadaan ganacsato, sidoo kalena ganacsatada hubka waxaan uga digaynaa inay hubka qaab ganacsi ah uga iibsadaan askarta Dowladda" ayuu sarkaalka ugu sarreeya booliiska Gobolka Banaadir ka sheegay Saxaafadda Muqdisho.
Sarkaalkan ayaa sheegay inay shalay howgallo ku qabteen ganacsato ka baayac-mushtara hubka, kuwaasoo suuqa Cirtoogte ee Bakaaraha u waday hub isugu jira Qoryaha fudud, Rasaas iyo Bambooyin, ayna sharciga horgeyn doonaan.
Mas'uulkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo shaaciya in ciidamada Dowladdu ay hubkooda ka iibsadaan xoogagga Dowladda kasoo horjeeda, kuwaasoo horay ugu baaqay inay afgambin doonaan Dowladda.
Ganacsatada hubka ayaa waxay horay u sheegeen inay hubka ay ka ganacsadaan ay intiisa badan kasoo iibsadaan ciidamada Dowladda, iyadoo saraakiil uu ka mid yahay Sheekh Yuusuf Indhocadde uu isaguna horay u sheegay in hubka dowladda laga iibiyo Xisbul Islaam iyo Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.