Isniin, 19, July, 2010 (HOL) Iyada oo mar marka qaar wali la maqlayo dhawaqa Madaafiic culus oo ay tuurayaan Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa saacadihii aynu soo dhaafnay Isbitaalka Madiina waxaa la dhigay in ka badan 50 ruux oo qaba dhaawacyo kala duwan kuwaasoo Madaafiicdu ku haleeshay Xaafadihii ay ku noolaayeen.
Dhaqaatiir Isbitaalka guud ee Madiina ayaa waxaa ayaa sheegay in dadka la soo gaarsiiyay isugu jireen qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana ay intaa ku dareen in qaarkood qabaan dhaawacyo oo ay u dheer tahay dhiig bax maadaama aan goor hore la soo gaarsiin Isbitaalka.
Waxaa siweyn u soo buux dhaafiyay gudaha Isbitaalka Madiina dad kala duwan oo ka yimid Xafadaha Magaalada kuwaasoo qaarkood booqanayay dad ay Ehelo yihiin oo ka tirsan dhaawacyada la dhigay Isbitaalka, halka sidoo kale ay jireen dad u yimid Isbitaalka bal in ay eegaan baaxada dhibaatada ka soo gaartay dadka rayidka ah Madaafiicda saacadihii ugu danbeeyay lagu gaaracayay Xaafadaha Muqdisho.
Madaxa gadiidka gurmadka deg dega ah Cali Muuse Shiikh oo warbaahinta la hadllayay ayaa sheegay in dhaawacyada ugu badan ay ka soo qaadeen degmooyinka Kaaaraan, Boondheere, Xamarweyne, iyo Shibis oo ka mid ah meelaha duqeyntu ku dhacday, waxaana uu intaa ku darray in dadka dhaawacmay ku jiraan Caruur aad u da'yar oo si xun dhaawacu u soo gaaray.
Inkastoo ay jiraan dadaal dheeraad ah oo ay wadaan dhaqaatiirta Isbitaalada Muqdisho iyo kooxaha gadiidka gurmadka deg deg ah ayaa haddana marka arinka dhinaca kale la eego waxaa muuqta in dadaalkaasi aheyn mid sidii loo baahnaa u mirro dhala, maadaama baaxada dhibaatada ka dhalata duqeymaha iyo dagaallada inta badan ka dhacay Magaalada Muqdisho yihiin kuwo ka badan itaalka kooxaha ku howlan sidii loo bad'baadin lahaa dadka wax yeelladu soo gaarto.
Max'ed Xaaji Xusseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya.