Madaxda dalalka Midowga Afrika oo maanta uu shir uga furmayo Magaalada Kampala ee dalka Uganda kasoo lagu soo qaadayo Soomaaliya

Isniin, July 19, 2010 (HOL) - Shirka Madaxda dalalka Afrika ayaa maanta ka furmaya Magaalada Kampala ee dalka Uganda, waxaan shirkaas qodobbada looga hadli doono ka mid ah arrimaha dalka Soomaaliya iyo Qaraxydii ka dhacay Kampala.

Shirka oo soo maray laba maalmood oo gogol-xaar ah ayaa waxay Madaxda 53-ka dal ee Afrika ay ka kooban tahay kaga doodi doodi doodi doonaan shirkaan qodobo xasaasi ah oo ay ka mid tahay sidii ammaanka Soomaaliya loo soo celin lahaa, sidoo kalena loo xoojin lahaa ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho.

Wasiirrada Arrimaha dibadda ee dalalka Afrika oo dajiyay ajandayaasha shirka ayaa waxay sheegeen in shirkan oo ah kii 15-aad ee Midowga Afrika looga doodi doono sidii 20,000-askari oo dheeraad ah loo geyn lahaa Soomaaliya, ciidamada AMISOM howlgalkoodana loogu badali lahaa mid Nabad dhalin ah.

Ammaanka goobta uu shirku ka dhacayo ayaa waxaa sugaya ciidamo fara badan iyadoo la baarayo qof walba oo ku dhawaada goobta uu shirku ka dhacayo, maadamaa todobaadkii hore ay qaraxyo khasaare badan geystay ay ka dhaceen Magaalada Kampala.

Saraakiisha Ciidanka Booliiska dalka Uganda ayaa sheegay inay adkeeyeen amaanka Magaalada Kampala si aysan uga dhicin qaraxyo la mid ah kuwii dhacay Axadii lasoo dhaafay, kuwaasoo dilay 74-qof oo daawanayay ciyaarihii koobka Adduunka.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale loo hadli doonaa sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa dalalka Afrika ee burbursan iyo sidii wax-soo-saarka qaaradda uu u noqon lahaa mid ka sarreeya sida uu hadda yahay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected] 
uqdisho, Soomaaliya