Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo la kulmay Madaxweynaha dalka Masar Maxamed Xusni Mubaarak

Isniin, July 19, 2010 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo booqasho saddex maalmood ah ku joogay dalka Masar ayaa shalay gallinkii dambe kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Masar Max'ed Xusni Mubaarak.

Kulanka labada madaxweyne oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda, waxayna uga hadleen xaaladda dalka Soomaaliya uu ku sugan yahay, iyadoo Madaxweyne Sheekh Shariif uu ka codsaday Madaxweynaha Masar inuu gacan ka geysto sidii Soomaaliya nabad loogu soo dabbaali lahaa.

Sidoo kale, shirka labada Madaxweyne waxaa goobjoog ka ahaa Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Caamir Muusaa, iyadoo Sheekh Shariif uu ka codsaday Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika in xil weyn la iska saaro soo celinta nabadda Soomaaliya.

"Madaxweyne Sheekh Shariif wuxuu ka codsaday hoggaamiyaha Masar iyo Muusaa inay dhexda u xirtaa sidii ay gacan uga geysan lahaayeen dib u soo celinta nabaddii Soomaaliya, dalkana looga saari lahaa xoogagga hubeysan ee ka horjeeda Dowladda" ayaa lagu yiri war kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ee Muqdisho.

Sheekh Shariif waxaa safarka uu ku tagay dalka Masar ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Xasan Ibraahim (Dheeg), Wasiirka Gaashaandhigga Abuukar Cabdi Cusmaan (Mardaadi), Xildhibaanno iyo ma'suuliyiin ka tirsan aqalka Madaxtooyda Soomaaliya.

Wadfiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa saakay ka dhoofay Magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar, iyadoo wararku ay sheegayaan inuu kusii jeedo Magaalada Roma ee xarunta Dalka Talyaaniga oo uu kulan kula qaadnayo Madaxda dalkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected] 
Muqdisho, Soomaaliya