Ciidamada Itoobiya oo fasaxay gadiid in muddo ah ku xayirnaa Xadka u dhaxeeya Hiiraan iyo Itoobiya.

Isniin, 19, July, 2010 (HOL)  Wararka laga hellayo deegaannka Qurac-joomo oo kala qeybiya dhulka Ismaamulka Soomaalida iyo Itoobiya iyo Goballka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamo Itoobiyaan ah oo maalmihii ugu danbeeyay halkaa ku sugnaa isaga baxeen, iyaga oo dhinaca kalana Ciidamada ka hor inta aysan ka talaabin xadka sii daayay gadiid in muddo ah lagu heystay dhinaca Xadka gaar ahaan deegaannka Qurac-joomo.
 
Sida ay sheegeen dadka deegaannka Ciidamadu ay ka baxeen, waxaa jiray tan iyo intii ay halkaa ku sugnaayeen Ciidamada Itoobiya dhaq dhaqaaqyo Militari oo u dhaxeeyay Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo marar badan halkaa iska horimaad ku dhaxmaray taasoo keentay in cabsi darran soo food saarto dadka deegaannka Qurac-joomo.
 
Gadiidka ay sii daayeen Ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa maalmihii aynu soo dhaafnay dhinaca xadka ayaa gaarayay ilaa 20 gaari oo kuwa Xamuulka qaado ah, sida ay cadeeyeen Milkiilayaasha gadiidka la sii dayay oo intii ku darray in arintaa ay ku timid wada hadal in muddo ah u dhaxeeyay Saraakiisha Ciidamada Itoobiya iyo Milkiilayaasha gadiidka mudadii ay xayirnaayeen.
 
Dib u laabashada Ciidamada Itoobiya ayaa ah kuwo ku soo beegmaya xili Todobaadyadii aynu soo dhaafnay siweyn loo hadal hayay baqdin laga qabo in Ciidamo Itoobiyaan ah gudaha u soo galaan qeybo ka mid ah Goballka Hiiraan, waxaana xusid mudan in sidoo kale ay jiraan dhaq dhaqaaqyo dhinaca Xadka ay iyaguna ka wadaan Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya Ciidamada Itoobiya.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
Beledweyne, Somalia