Isniin, 19, July, 2010 (HOL) Wakiilka Goballka Banaadir ee Ururka Xisbul Islaam oo la hadllay qaar ka mid qalabka Warbaahinta ayaa sheegay in waqti dheeraad ah lagu darray xiliga amar dhawaan ka soo baxay Maamulkood kaasoo raga lagu farayay in ay Garka deystaan Shaarib-kana iska xiiraan.
''Kadib qoraal ka soo baxay fadhi aynu qaadanay Maamulkeena waxaan isla garanay in muddo 20 cisho ah lagu kordhiyay waqtigii horey loogu qabtay ragga in ay Garka sii dayaan ayuu yiri Macalin Xaanshi oo intaa ku darray in wixii waqtigaa ka danbeyay looga baahan yahay in ragu dhaqan galiyaan amarka ka soo baxay Maamulka.
Mudo kordhintan ayaa timid sida uu sheegay Macalin Xaanshi kadib markii maamulka sare ee Ururka Xisbul Islaam ay soo gaarsiiyeen in badan oo ka mid ah ragga Goballka Banaadir cabsho la xiriirta in waqti dheeraad ah la siiyo taasoo Maamulkuna tixgaliyay ayuu yiri Wakiilka Goballka Banaadir ee Ururka Xisbul Islaam.
''Runtii looma dulqaadan doono wixii ka danbeeya mudda lagu kordhiyay in la arko qof Garku xiiran yahay, waxaana u aragnaa qofkaa isaga ah in uu ka hor yimid amarka la siiyay Maamulkuna waxaa ka qaadi doonaa talaabo sharci ah ayuu yiri Macalin Xaanshi.
Horay ayuu Maamulka Ururka Xisbul Islaam amar uu soo saaray ugu mamnuucay in la xiiro Gar-ka islamarkaana la siiyo Shaarib-ka, waxaana la ogeyn sida uu amarkan u dhaqan galin doono inkastoo horay loo dhaqan galiyay awaamiir uu soo saaray Ururka Xisbul Islaam sida joojinta Muusiga iyo Heesihii ka bixi jiray Idaacadaha Muqdisho.
Max'ed Xaaji Xusseen, Hiiraan Online
Muqdisho, Soomaaliya.