Dagaallo xooggan oo degmooyinka Waqooyiga Muqdsiho ku dhexmaraya ciidamada Dowladda, kuw AMISOM iyo Xarrakatul Shabaab

Isniin, July 19, 2010 (HOL) - Dagaallo culus oo u dhexeeya ciidamada Dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa AMISOM iyo Ciidamada Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa saakay dib uga bilowday waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Dagaalladan oo daba socda dagaallo shalay gallinkii dambe illaa xalay ka socday degmooyinka Boondheere iyo Shibbis oo dhinaca waqooyi ee Muqdisho ku yaalla ayaa waxay sababeen dhimasho iyo dhaawac gaartay dad rayid ah.

Inta la ogyahay dagaalladaas waxaa ku dhintay 15-qof oo shacab ah, kuwaasoo ay intooda badan madaafiic culus ugu tagtay deegaannada ay gacanta ku kala hayaan dhinaca uu dagaalku u dhexeeyo, waxaana ku dhaawacmay 40-qof oo kale.

"Dhaawacyadii aan qaadnay tan iyo xalay waxay gaarayaan 30-qof, waxaana ka qaadnay degmooyinka Kaaraan, Xamarweyne, Boondheere iyo Dayniile, waxayna ahaayeen kuwo ku dhaawacmay madaafiic culus" ayuu yiri Madaxa gaadiidka gurmadka deg-dega ah ee Muqdisho Cali Muuse u sheegay Saxaafada Muqdisho.

Madaafiic culus oo laga tuurayo saldhigyada ciidamada AMISOM ay kaga sugan yihiin Muqdisho ayaa ku dhacaya degmooyinka waqooyiga Muqdisho ee lagu dagaalamayo iyo kuwa ka fog dagaalka.

Dagaalka oo weli socda waxaa guulo ka kala sheegtay Xarrakatul Shabaab iyo Dowladda Soomaaliya iyadoo Afhayeenka ciidamada ee Xarrakatul Shabaab Sheekh C/casiis Abuu-Muscab uu sheegay inay qabsadeen goobo ay horay ugu sugnaayeen ciidamada Dowladda sida Wasaaraddii hore ee Arrimaha Gudaha, Saldhigga Booliiska Boondheer iyo Safaaraddii Talyaaniga.

Balse, sarkaal ka tisran ciidamada Dowladda Soomaaliya oo lagu magacaabi Col. Ibraahim Yarow ayaa beeniyay in Xarrakatul Shabaab ay ka qabasatay deegaanno ay horay ugu sugnaayeen, wuxuuna sheegay inay khasaare gaarsiiyeen ciidanka Xarrakatul Shabaab.

Marka laga tago sheegashooyinka labada dhinac ee dagaalamaya wararka ka madax banaan labada dhinac ayaa sheegaya in dagaalladu ay ka socdaan deegaannadii horay loogu kala sugnaa.

Qoysaskii fara ku tiriska ahaa ee ku harsanaa degmooyinka Boondheere iyo Shibbis ayaa waxay bilaabeen inay saakay ka cararaan guryahooda, waxaana dadka ku dhaawacmay dagaaladan ku jira 12-caruur ah oo qaarkood qaba dhaawacyo halis ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected] 
Muqdisho, Soomaaliya