Isniin, January 11, 2010(HOL): Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa maanta sheegay inay Soomaaliya soo gaareen shirkado laga leeyahay Mareykanka oo doonaya inay qaraxyo ka fuliyaan Muqdisho, si buu yiri la isaga horkeeno shacabka iyo xoogagga hubeysan ee dowladda ah kasoo horjeeda.
Afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo ka hadlay siminaar socday muddo hal todobaad ah oo loo qabtay odayaal dhaqameedyo ayaa sheegay in shirkadahan ay qorsheynayaan inay qaraxyo ka geystaan Masaajidda, Suuqyada iyo Dariiqyadu dadku ku badan yihiin.
"Waxaa Madaxtooyada ku sugan shirkad mataano la ah shirkaddii Black Water ee dhibaatooyinka ka geysatay dalka Ciraaq, taasoo lagu magacaabo Corponite Security Corporation, waxayna adeegsanayaan taksiyaasha iyo gaadiidka xamuulka" ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Mas'uulkan wuxuu sheegay in marka ay qaraxyadaas dhacaan la doonayo in dusha laga saaro dadka shacabka ah, si ay isaga horkeenaan shacabka mujaahidiinta, balse waan ka digaynaa qorshahaas guracan ee cadowgu uu wato.
"Taksiilayaasha, gaadiidka xamuulka ah iyo dadka shacabka ah waxaan uga digayaa inay qorshahaas fuliyaan, waana inay ka digtoonaadaan si aan loogu adeegsan" ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu-Mansuur) oo isaguna ka mid ah saraakiishii ka hadlay xiritaanka siminnaarka oo lagu bartay ku dhaqanka Islaamka ayaa sheegay in wararka dowladda Kenya kasoo baxay ay yihiin kuwo been ah oo aanay waxba ka jirin.
"Al-shabaab ma joogto Kenya meel ka mid ah, haddii ay joogaanse waxaan weydiin lahaa maxay u qaban waayeen, waxaan u aragnaa inay yihiin warar lagu doonayo in lagu xalaaleysto dhiigga iyo maalka dadka Muslimiinta ah ee dalkaas ku nool" ayuu yiri Sheekh Mukhtaar Abuu-Mansuur.
Wuxuu sidoo kale Abuu-Mansuur sheegay in sidoo kale ay been yihiin wararka ku saabsan in saraakiil ka tirsan Al-shabaab ay diyaarado ku maraan dalka Kenya, wararkaas oo laga sii daayay warbaahinta qaarkeed, waana mid ceeb ku ah Kenya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
Muqdisho, Soomaaliya