Madaxwayne Puntland oo sheegay in Maamulkiisa uu saxay khaladaad horay uga jiray Puntland

Isniin, January 11, 2010(HOL): Madaxwaynaha DGPL Dr. C/raxmaan Maxamed faroole ayaa sheegay in markii ugu horaysay ay xukuumadiisa ku guulaysatay dajinta Masiinayadaha dhaqaale ee Puntland soo gala .

Hadalkan ayuu madaxwayanaha ka sheegay Munaasabad ka dhacday madaxtooyada Garowe ee caasimada puntland ,xili uu la shirayay qaar kamid ah golihiisa wasiirada.

Guul wayn ayaan ka gaarnay bixinta mushaaraadka ciidamada iyo laamaha dawlada oo dhan ,taasina waa isbadalka hada jira " ayuu Madaxwayne Farole ku sheegay khudbadiisi madaxtooyada

Madaxwaynaha Puntland waxaa kaloo uu sheegay in laga gudbi doono habka qabaa,ilada loona gudbi hab dimuqraadiyeed si qof kasta uu helo cod xor ah oo ku aadan doorashooyinka la filayo in ay qabsoomaan xiliyada soo socda.

Sidoo kale Madaxwayne Faroole ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay falalka amni daro ee ku soo kordhay puntland ,isgoo xusay in maamulkiisa uu saxay khaladaad badan oo horay uga jiray Puntland.

Maamulka puntland ayaa caqabado badan la kulmay dib u saxida khaladaadkii horay u dhacay ,waxaana hadalka madaxwaynaha uu u muuqda kalsooni galin kara shacabka Puntland.

 Feysal Maxamed Hassan (Boston),Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso,Soomaaliya