Isniin, January 11, 2010(HOL): Dagaal xooggan ayaa saaka aroortii wuxuu dib uga qarxay magaalada Beledweyne ee xarunta u ah gobolka Hiiraan, iyadoo dagaalkana uu haatan ka socdo bartamaha Magaalada.
Dagaalka oo bilowday saaka aroortii xili ay dadka magaalada hurdaan ayaa wuxuu qarxay kaddib markii ay dagaal rogaal-celis ah soo qaadeen Xoogag ka amar qaata Xisbul Islaam oo shalay gacan-ku-heynta Magaalada ay kala wareegeen Ciidamo ka tirsanaan jiray Dowladda Soomaaliya oo haatan la baxay Magaca Ahlu Sunna.
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo hoggaaminaya Ciidamada shalay al wareegay gacan-ku-heynta Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in ciidamaa la wareegay magaalada ay yihiin Ciidamo Reer Hiiraan oo Ahlu Sunna ah, wuxuuna caddeeyay in aysan wax magac dowladeed ah ku tegin Magaalada, walow uu xusay in aysan jirin wax dhibaato ah oo dowladda kala dhaxeeya.
Wixii ku soo kordha dagaalka ka socda magaalada Beledweyne kala soco halkan haddii Alle idmo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online