Isniin, January 11, 2010(HOL): Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan oo ay saaka dib uga bilowdeen dagaallo ayaa haatan la soo sheegayaa in dagaalkii uu qaboobay.
Dagaalka oo ay saaka aroortii soo qaadeen Xoogagga Xisbul islaam ayaa wuxuu qaaboobay kaddib markii dib fariisimadoodii loogu celiyay xoogaggii weerarka soo qaaday, waxayna haatan xaaladda taagan tahay halkii shalay uu gabalka ugu dhacay magaalada, taasi oo sawirkeedu ahaa in Xarumaha maamulka Gobolka iyo magaalada inteeda badan ay la wareegeen Ciidamo ku howlgelaya magaca Ahlu Sunna, kuwaasi oo horay gacan-saar ula lahaa Dowladda Soomaaliya.
Dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne ayaa waxay ka wel welsan yihiin dhinacyadan mudada dheer weerarka iyo weerar-celiska isku haya ee dushooda ku dagaallamaya, kuwaasi oo dhinacba mar uu gacan-ku-heynta magaalada la wareegayo.
Lama saadaalin karo sida uu xaalka magaalada Beledweyne ku dambeyn doono waayo waxaa dhacday dhowr mar oo hore in ay dhinacyadan dagaallamaya ay marar isu dhow la kala wareegeen gacan ku heynta Magaalada Beledweyne, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay magaalada la wareegto hadba qoladii isa soo abaabusha.
Wixii ku soo kordha xaaladda Magaalada Beledweyne kala soco halkan haddii Alle idmo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online