Booliiska Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka oo gacanta ku dhigay laba qof oo looga shakisan yahay dilal ka dhacay Minneapolis

Isniin, January 11, 2010(HOL): Booliiska Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa gacanta kusoo dhigay todobaadkan laba qof oo la sheegay inay looga shakisan yahay inay geysteen fal lagu dilay Arbacdii todobaadkii hore ganacsato Soomaali ah.

Taliyaha booliiska Magaalada Minneapolis oo ay dagan yihiin Somali ah Tim Dolan ayaa sheegay inay qabteen laba qof oo midi uu 17-jir Soomaali ah yahay iyo ruux kale oo aan jinsiyadiisa la sheegin, labadaas qof oo loo haysto inay dilka geysteen.

"Waxaan rumeysanahay in labada qof ee gacanta lagu hayo ay yihiin kuwii ka dambeeya falka dilka ah, waxaana sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo taagi doonaa Maxkamad" ayuu yiri Tim Dolan oo ah taliyaha booliiska Minneapolis.

Duqa Magaalada Minneapolis oo uu dilku ka dhacay ayaa u sheegay saxaafada in soo qabashada labada nin ay gacan ka siiyeen shacabka gobolkaas ku nool oo ay saameyn ku yeelatay dilkii loo geystay dhalinyaradii Somalida iyo Itoobiyanka ahaa.

Labadan wiil ee la qaybtay ayaa lagu eedeeyay inay todobaadkii hore ku dileen dukaan ku yaala koonfurta Minneapolis saddex qof oo laba ka mid ah ahaayeen Soomaali laguna kala magacaabi jiray Max'ed Cabdi Wafaa oo 30-jir ahaa, Cismaan Jaamac Cilmi oo 28-jir ahaa iyo wiil Itoobiyaan ah oo lagu magacaabi jiray Anwar Saalax Max'ed oo 31-jir ahaa.

Dhalinyaradan ayaa lagu dilay dukaan ay shaqaale ka ahaayeen, iyadoo kooxaha dilkooda geystay ay dhaceen lacag dukaantaas taalay, waxaana soo dhaweeyay talaabada uu booliisku qaaday shacabka Gobolkaas ku nool oo cabsi wadnaha farta ku hayay.

Ehelada iyo qaraabada dhalinyaradii la dilay ayaa waxay aad u soo dhaweeyeen talaabada uu booliisku qaaday, iyagoo sheegay inay u baahan yihiin warar intaas ka badan, lana horgeeyo dambiilayaasha sharciga si loo xukumo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya