Isniin, January 11, 2010(HOL): Ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa saakay ka bilaabay howlgallo lagu sugayo ammaanka degmada Xamarjajab ee Magaalada Muqdisho, iyagoo hlalkaas ka qaybqabtay 20-dhallinyaro ah oo lala xiriirinayo falalka ammaan-xumada ah ee ka dhaca degmadaas.
"Waxaa isku gadaamay xaafadaha degmadeenna ciidamada dowaldda, waxayna gudaha u galeen guryaha iyagoo kala baxay dhallinyaro dhowr ah" ayuu yiri Axmed Ibraahim oo ka mid ah dadka degmadaas ku nool.
Gaadiidka, dadweynaha iyo ganacsiga degmadaas ayaa xiran, iyadoo la hakiyay dhamaan dhaqdhaqaaqyada dadka ee xaafadaha gudahooda, waxaana howlgalkan uu noqonaya kii saddexaad oo muddo todobaad gudihiis ah laga sameeyo degmadaas.
"Shaqaalaha Dekedda weyn ee Muqdisho oo la baaray iyo ardayda Iskuuulka oo keliya ayaa loo ogolaaday inay ka baxaan degmada" ayuu yiri goobjooge ku sugan Xamarjajab, iyadoo baaritaannadan aysan gaarsiisanayn degmooyinka dariska la ah ee Xamarweyne iyo Waaberi.
Saraakiisha Booliiska ayaan ka hadlin baaritaankan, waxaana uu imaanayaa kadib markii habeen dhaweyd lagu dilay gudaha degmadaas mid ka mid ah askarta dowladda, kaasoo u socday gurigiisa, iyadoo kooxihii toogtay ay baxsadeen.
Baaritaannadii midkan ka horreeyay ayaa lagu qabtay 50-qof oo la sheegay inay qayb ka yihiin falalka ammaanka wax loogu dhimayo ee ka jira degmada Xamarjajab iyo degmooyinkii kale oo horay loogu sameeyay baaritaannada ammaanka lagu xaqiijinayay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
Muqdisho, Soomaaliya