
Isniin, January 11, 2010(HOL): Barnaamij si weyne loo soo agaasimay oo ku wajahan wacyi galinta dhalinta Soomaaliyeed ee reer Columbus ayaa ka dhacay bartamaha magaalada Columbus habaynimadii Jimcaha 01/08/2010. Barnaamijkaan oo ay ka soo qayb galeen inka badan Afar boqol oo dhalinyaraa ayaa waxaa soo abaabulay Jaaliyada Soomaaliyeed ee Somali Cummunity Association of Ohio.Waxaa qaban qaabada barnaamijka ka qeyb qaatay dhalinyarada Soomaaliyeed ama Somali Youth Committee oo ka kooban arday, cayaartooyda iyo qeybaha kale ee dhalinta.
Shirkan oo muhiimad gooni ah u lahaa dadweynaha reer Ohio ayaa waxaa si qoto dheer looga hadlay arrimaha la xariira dhalinyarada iyo argagixisada, sida, Waxbarashada, Ka fogaanshaha danbiyada, Cayaaraha, iyo Gacansiinta jaaliyada Soomaaliyeed.
Waxaa bulshada Soomaaliyeed shirkan kala soo qeyb-galay lamaaha kala duwan ee maamulka gobolka Ohio iyo kuwa fedaralka sida FBI & US Assistant attorney, Waxaana ay masuuliyiintu bulshada Soomaaliyeed kala hadleeen sidii ubadka looga bad-baadin lahaa mushkilada argagixisada iyo figradaha khaldan.

Bulshada guud iyo dhalinta shirkaan ka soo qeyb-gashay dhamaan waxay ku baraarugsanaayeen mushkilada jirta ee la xariirta dhalinta la duufsado ee dib loogu celiyo ka qeyb qaadashada colaada Soomaaliya. Sidaa daraadeed waxay muujiyeen dareenkooda guud ee la xariira sida dhabtaa ee waalidiin, dhalinyaro iyo bulsho ahaanba uga soo horjeedaan arrimaha argagixisada iyo ka qeyb-qaadshada colaada Soomaaliya. Waxayna dhalintu halkaas ka soo jeediyeen riwaayad ay ka mataleen qabiilka, wadaadada kuwooda khaldan iyo dowlad taag daran, oo intuba u tar-tamaya isticmaalka dhalinta Soomaalieed.

Magaalada Columbus, Ohio waxaa dagan bulsho Soomaaliyeed oo ku baraarungsan in dhalinyaradu tahay laf-dhabarta bulshada kuna midaysan in laga bad-baadiyo wax kasta oo khatar galin kara mustaqbalkooda iyo kan bulshada guud ahaanba. Waxaana socda dadaal ku wajahan horumarinta dhalinta oo ay hormuud ka tahay jaaliyada Soomaaliyeed ee gobolka Ohio Somali Community Association of Ohio.
Inkasta oo xiligu ahaa mid qaboow oo baraf xoogan da'ayay hadana Qaybaha ka hadlay shirkan waxay dhamaan muujiyeen dareen dhab ah oo ku qotama horumarinta dhalinta iyo dhiirogalinta dhinaca Waxbarashada, waxaana uu ku soo gabo gaboobay Jawi aad u dagan. 







Deeqo Shire (SONNA)
Columbus Ohio USA