Arday Soomaaliyeed oo shahaadooyin lagu guddoonsiiyay Koofur Afrika (Daawo Sawiiro)


Isniin, January 11, 2010(HOL): Ardayda madarasada Al-sunna ee magaalda Cape Town ee dalka koofur afrika ayaa waxaa loo qabtay xaflad lagu gudoonsiinayo abaalmarino ay muteysteen ardaydii ka gashay kaalimaha ugu horeeya imtixaankii sanadkii lasoo dhaafay ay galeen ardaydaasi.

 

Xaflada ayaa waxa ay ka dhacday  masaajidka Al-sunna ee xaafada belville magaalada cape town, waxana ka soo qeyb galay waalidiinta caruurta dhigata madrasada Al-sunna, iyo waliba dadweyne kale oo xaflaasi lagu marti qaaday.

 

Imaam Shiikh Cumar Azhari  ayaa halkaasi ka hadlay kana warbixiyay sidii loo aas-aasay madarasada iyo heerka ay mareeyso.

 

Waxaa kaloo isna xafladaasi ka hadlay Macallin Xuseen Axmed  (Nageeye) oo isagu sharaxaad ka bixiyay qaabka ay kaalimaha u kala galeen ardaydu. Ardayda u gubeysay fasalka lixaad ayaa waxa kaalinta 1aad galay C/Raxmaan Xeydar waxana kaalinta labaad wada galay Hindo Cabdul-Wali.

 

Fasalka xigay ayaa waxaa kaalinta koowaad galay Istarliin, Xafsa, iyo Asma oo dhamaantood Gabdho ah.

Abaalmarinada la siiyay ardayda ayaa waxa ay isugu jireen shahaado shahaadooyin, lacago iyo hadiyado kale.

 

Waalidiinta macalimiinta iyo waliba dadweynihii kale ee kasoo qeyb galay ayaa waxa ay muujiyeen farxad aad u weyn, waxayna  ardayda  ku dhiiri geliyeen in ay wax barashadooda sii wataan.



 

Faarax Daahir,

[email protected]

Cape Town, South Africa