Isniin, January 11, 2010(HOL): Barakayaasha ku sugan Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa sheegay inay lasoo gudboonaatay cuno la'aan, iyadoo horjoogayaasha kaamamkan ay ka dalbadeen hay'adaha gargaarku inay lasoo gaaraan kaalmooyin u badan raashin.
Gudoomiyaha Kaamka 11-ka Janaayo oo ku yaala Magaalada Baydhabo gudaheeda Ibraahim Isaaq oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in dhibaato cunno la'aaneed la dareemay tan iyo markii hay'adda WFP ay sheegtay inay joojisay gargaarkii.
"Ma jiraan hay'ado gargaar oo dadka wax siiya xiligan, dhamaan hay'adihii gargaarka way ka baxeen Gobolka, dhibaatooyin raashin la'aaneed ayaana ka taagan kaamamka ay ku nool yihiin barakacayaashii naftooda kala soo cararay dagaalada" ayuu yiri Ibraahim Isaaq.
Horjoogahan kaam ee la hadlay saxaafada ayaa sheegay in xiligan lagu jiro xiligii beeraha la guran lahaa, balse aysan jirin wax beero ah oo u baxay barakacayaasha marka laga reebo dad fara ku tiris ah oo beertay masago ayna inteeda badan ka xumaadeen.
"Waxaan u baahanahay gargaar deg-deg, cid walba oo na caawin kartana waxaan ka dalbaynaa inay caawiso" ayuu yiri horjoogahan oo sheegay inay u baahan yihiin gargaar walba oo la siiyo.
Qaylo-dhaantan ayaa imaanaysa iyadoo hay'adaha WFP ay dhawaan sheegtay inay howlihii gargaar ee ay ka haysay koonfurta Soomaalia ay u joojisay sababo la xiriira cadaadisyo kaga yimid xoogaga halkaas gacanta ku haya gaar ahaan Al-shabaab.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya