Isniin, January 11, 2010(HOL): Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo wareysi gaar ah siiyay wargeyska People ee kasoo baxa dalkiisa ayaa sheegay inaysan jirin wax qorshe oo dalkiisu uu ciidamo ku geynayo Soomaaliya.
Barack Obama ayaa sheegay in labadaas dal uu rumeysan yahay inay ka jiraan dagaalo ay wadaan kooxo Islaamiyiin ah oo xiriir la leh Al-qaacida, ayna xaaladoodu tahay mid khatar ah oo aan la dhayalsan karin.
"Ma jiro qorshe uu Mareykanku ciidamo ugu dirayo Somalia iyo Yemen" ayuu yiri Obama oo sheegay in dalalkan ay yihiin kuwo ay ku xoogeysteen unugyada Al-Qaacida ee ku sugan Bariga Afrika iyo Bariga dhexe.
Obama, wuxuu sheegay in Al-Qaacidada Bariga dhexe ay saldhig weyn ka sameysteen dalka Yemen, taasna ay caddeyn u tahay wiilkii u dhashay dalka Nigeria ee damcay inuu qaraxiyo diyaarad 25-kii December ee sannadkii hore taasoo ku socotay Magaalada Detriot.
"Dalka Yemen waxaa saldhig ka dhigtay Al-Qaacida, sidoo kale dalka Somalia ayaa ah midka labaad ee ay ku xooggan yihiin unugyada Al-Qaacida, ayna doonayso inay kooxdaas horumar ka gaarto dalkaas geeska Afrika ku yaalla" ayuu yiri Obama.
Madaxweynaha Mareykanku wuxuu sheegay in xaalladda Soomaaliya ay la kaashan doonaan dalalka dariska la ah, ayna ciidamada AMISOM dhanka dhaqaalaha ka taageeri doonaan sidii wax looga qaban lahaa xaaladda Soomaaliya.
Xarrakatul Shabaab oo la sheego inay xiriir dhow la leedahay Al-Qaacida ayaa iyaguna gacanta ku haya inta badan Soomaaliya, waxayna dhawaan ku baaqeen inay dagaalyahano u diri doonaan dalka Yemen si ay uga dagaalamaan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
Muqdisho, Soomaaliya