7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 8 , 2024
Guddoomiyaha xisbiga Waddani oo saluug ka muujiyay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya
Isniin, January, 8, 2024 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa dhaliilay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya.

Xirsi ayaa sheegay in mad madaw badani uu ku gadaamanyahay heshiiska, isaga oo xusay in xukuumada Somaliland anay sharaxaad fiican bulshada ka siin heshiiska.

"Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya mugdi ayaa ku gadaaman, aqoonsi waynu doonaynaa oo mudnaanta kowaad ayuu u yahay dadka reer Somaliland, xidhiidhka saaxiibtinimo wax wada qabsi iyo iskaashi dhexmara Somaliland iyo Itoobiya waa soo dhawaynaynaa, lakiin bulshadu heshiiska way qawadsantahay, waxaana sababay xukuumada oo aan si daah furan bulshada ula wadaagin" ayuu yidhi Xirsi.

Waxa uu sheegay in isfahmka la gaadhay anay ku caddayn in Itoobiya ay aqoonsan doonto Somaliland, isla markaana ay Itoobiya sheegtay in ay ka fikiri doonto aqoonsiga kadib marka ay gaadho danteeda, taasi oo uu ku tilmaamay wax aan la hubin.

Xirsi waxa uu sheegay in aqoonsi hal dal ahi aanu ku filnayn Somaliland, isla markaana ay jiraan dalal badan oo haysto aqoonsi dhawr dowladood lakiinse aan wali ka mid noqon beesha caalamka.

Somaliland iyo Itoobiya ayaa dhawaan gaadhay is faham heshiis oo la sheegay in 20 kilomitir oo bada Somaliland ah lagaga kiraynayo Itoobiya, halka Itoobiya ay Somaliland u aqoonsan doonto dal.