7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 8 , 2024
Wararkii ugu dambeeyay ee arrimaha doorashada Puntland

Isniin, January, 8, 2024 (HOL) - Doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa goor dhow ka bilaabanaysa hoolka baarlamaanka ee magaalada Garowe.

Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isaga haray tartanka doorashada, sida uu ku sheegay qoraal uu soo saaray, isagoona u tanaasulay musharaxiinta isbeddelka doonka ah.

Sidaas darteed, doorashada madaxweynaha ayaa waxaaa isugusoo haray illaa toban musharax oo kaliya. Inkastoo ay jiraan musharaxiin kale oo la filayo inay tanaasulaan ka hor inta aysan doorashadu bilaaban.

Qaar badan oo kamid ah musharaxiinta ayaa xalay bixiyay lacago malaayiin dollar ah, si ay xildhibaanada codkooda u siiyaan.

Lacagha murashixintu siiyeen xildhibaanada ayaa lagu qiyaasay inay u dhaxeeyaan $70,000 illaa $200,000, waana lacagtii ugu badnayd ee lagu bixiyo doorashada Puntland.

Madaxweynaha xilku ka dhamaaday ee Siciid Deni ayaa ku horeeya codadka la saadaalinayo inay helayaan musharaxiinta. Wuxuuna haystaa xildhibaano badan oo uu saamayn ku lahaa habka ay ku yimaadeen.

Sidoo kale wararku waxay sheegayaan inuu yahay musharaxa ugu badan ee bixiyay lacagaha laaluushka ah ee loo xalay  xildhibaanada.

La socda wararka doorashada Puntland.