7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 8 , 2024
Cabdimaalik Muuse Coldoon oo markale xabsiga loo taxaabay
 

Isniin, January, 8, 2024 (HOL) - Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ah saxafi iyo sheekh, ayay Booliiska Somaliland ee magaalada Burco markale maanta xabsiga u taxaabeen.

Coldoon ayaa intii aan la xidhin aad uga soo horjeedsaday isfahamka heshiis ee dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya, isaga oo sheegay in heshiiskaasi aanu ka shaqaynayn danta shacabka, waana sababta loo aanaynayo xadhigiisa.

"Aqoonsi hadii la helayo, iyo hadii aan lagu helaynba, heshiiska noocaas ahi waa danbi, waa gaf, waa halis, waa gumayn lagu gumaynayo dadkeena" Muuqaal uu ku baahiyay bartiisa Facebook, ayuu Cooldoon aad ugaga soo horjeedsaday heshiiska.

Coldoon ayaa hore loo xidhay tiraba dhawr jeer iyada oo xukuno maxkameed ay ku dhaceen marar kala duwan, uuna muddo sannado ah xabsiga ku qaatay, markii ugu danbaysay waxa la xidhay 19, 8, 2021 iyada oo lasii daayay 22, 12, 2022.

Coldoon ayaa xiligaa lagu xidhay warar uu ka faafiyay Dugsiga Maraykanka ah ee Abaarso, iyo macalimad wax ka dhigi Jaamacada Hablaha Ee Abaarso oo Joy Cisa la odhan jiray taasi oo uu ku eedeeyay in ay faafiso diimo shisheeye.