7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 8 , 2024
Golaha Wakiilada Somaliland oo soo saaray qaraar lagu cambaaraynayo dowlada Soomaaliya

Isniin, January, 8, 2024 (HOL) - Golaha Wakiilada Somaliland ayaa soo saaray qaraar ay ku cambaaraynayaan farogalin ay sheegeen in ay dowlada Soomaaliya ay ku hayso arrimaha Somaliland.

Golaha ayaa sheegay in Somaliland ay tahay dal madaxbannaan oo xornimadiisa ka qaatay Boqortooyadii Ingiriiska sannadkii 1960, isla markaana ay heshiisyo la gali karo dalal iyo shirkado shisheeye si waafaqsan dasuurkeeda.

Golaha ayaa si gaar ah uga jawaabay qaraarkii uu baarlamaanka Soomaaliya ku buriyay isfahankii Somaliland iyo Itoobiya, isaga oo uu goluhu sheegay in go'aankoodu aanu waxba ka badali karin isfahamka labada dhinac gaadheen.

Hoos ka akhriso qaraarka Golaha Wakiilada oo dhamaystiran:-