7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 8 , 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh "Itoobiya waxaan leeyahay ma dhacayso in Dhul Soomaaliyeed oo xor ah inuu xorriyaddiisa waayo"
 

Isniin, January, 8, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Xalay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kulan casho sharaf ah ugu sameeyay Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku boggaadiyay doorkooda taariikhiga ah oo ay ka qaateen ilaalinta madax banaanida iyo qaranimada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa warbixin ka siiyay Xildhibaanada xaalada guud ee dalka, sida dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab iyo qorshaha dowladda ee ku aadan ka hortaga xadgudubka dowladda Itoobiya ay ku dooneyso qeyb ka mid ah Biyaha Soomaaliya

Wuxuu sidoo kale sheegay madaxweynaha iney ka go'an tahay dowladiisa difaaca dhuleed ee dalka oo uu xusay ineysan jirin wax lagu badalan karo.

“Dhulkii aan ka dhaxalnay aabayasheen iyo awoowayasheen ee isagoo xor ah ay nooga tageen ayna diideen in ay taako ka mid baxshaan, anagana waa u dhimaneynaa, si jiilalka dhalan doona, aan uga tagno isagoo xor ah” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku tilmaamay falcelinta kasoo yeeraysa dadka diidan heshiiska Somaliland iyo Itoobiya inuu yahay mid ka tarjumaysa dareenka Soomaalinimo ee qof walba uu u hayo dalkiisa iyo dadkiisa.

“Sawaxanka iyo Qaylada Boorama ka baxaysa, Hargaysa ka baxaysa ee Lughaya ka baxaysa waxa ay ka tarjumaysaa cunsurka Soomaaliga, shakhsiga Soomaaliga ah meel weliba uu joogo dareenkiisa ayay ka tarjumaysaa, waxa aan amaanayaa Wiilasha iyo Gabdhaha dhalinyarada ah ee qaarkood xabbadaha lagu ridayo, la kala eryayo ee qaarkood xir xiran yihiin oo xorriyadda laga qaaday waxa ay u taagan yihiin waa in dhulka Soomaaliya mitir kamid ah uusan bixin” Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Gabagabadii madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa si aan gambasho laheyn u sheegay inuusan marnaba ka gorgortami doonin ama uu ka tanaasuli doonin taako ka mid ah Dhulka, Badda iyo Hawada Soomaaliya.

“Gabadha Waqooyiga Soomaaliya joogta gaar ahaan Hargaysa ee lahaa Xasan Sheekh Dhul ma bixin karo, Muusena ma bixin karo waa runteed 100% waayo ma bixin karo, Muuse ma bixin karo qof kale oo berri imaadana ma bixin karo Dhulka Soomaaliyeed, Itoobiya waxa aan leeyahay ma dhacayso in Dhul Soomaaliyeed oo xor ah uu xorriyaddiisa waayo oo biyaha ayaan leenahay, kama gorgortamayno, Kamana heshiinayno taako kamid ah Dhulka Soomaaliyeed” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.