7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 8 , 2024
Golaha Guurtida Somaliland oo ansixiyay xeerka doorashooyinka

Isniin, January, 8, 2024 (HOL) - Golaha Guurtida Somaliland ayaa ansixiyay xeerka doorashooyinka isasaarka ah oo todobaadadii u danbeeyay golaha horyaalay.

Golaha Guurtida Somaliland ayaa cod gacan taag ah ku meel mariyay xeerka doorashooyinka isasaarka ah oo ay gacanta ku hayeen todobadadii u danbeeyay iyaga oo wax ka badal iyo kaabis ku sameeyay meelaha qaar kood.

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa xoog u danaynayay meel marinta xeerkan oo muhiim u ah doorasho madaxtooyo iyo mid axsaab oo isasaar ahi in ay dhacdo, mucaaradka oo shaki qaba in doorashadu markale dib u dhacdo ayaa dabada ka riixayay in hore loo meel mariyo.

“Waxaa maanta marag ma doon ah oo caddaatay in dhabadii doorashooyinka isku sidkanaa uu dalkani qaaday, sidaas darteed, dhammaan shacbiga ku nool Jamhuuriyadda Somaliland ha u diyaar garoobeen doorashada muddeysan ee 13ka November 2024" Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxman Cirro ayaa sooo dhaweeyay ansixinta.

Doorashooyinka ururada iyo madaxtooyada oo dib u dhac ku yimid ayaa la rajaynayaa in Somaliland laga qabto dhamaadka sannadkan 2024.