7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 8 , 2024
Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya oo u hambalyaysay madaweynaha Puntland Siciid Deni

Isniin, January, 8, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha dib loo doortay ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, isagoo u rajeeyey in uu ku guuleysto waajibaadka loo igmaday.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u rajeeyay dadka reer Puntland xasillooni buuxda iyo horumar, waxa uuna muujiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay in ay doorkeeda ka qaadato nabadda, wadajirka iyo horumarka Puntland.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sidoo kale ku bogaadiyey musharraxiintii xilka madaxtinnimo, Guddiga Doorashada iyo Golaha Wakiillada Puntland dadaalkii ay geliyeen sidii ay u qabsoomi lahayd doorasho loo dhanyahay oo ku qabsoomta jawi nabadeed.

Sidoo kale, raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabi Barre ayaa isna u hambalyeeyay madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo mar kale dib loo doortay, wuxuuna u rajeeyay inuu Alle u fududeeyo waajibaadka loo doortay.

Madaxweyne Deni ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee labo jeer oo isku xiga loo doorto xilka madaxweynaha maamulka Puntland, kadib doorashadii maanta ka dhacday magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.