7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 8 , 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta gaaray magaalada Asmara ee dalka Eretariya
 

Isniin, January, 8, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaaray magaalada Asmara ee dalka Eretariya.

Madaxtooyada Soomaaliya oo si kooban uga hadashay safarka madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa sheegtay inuu yahay mid shaqo, waxaana wafdiga madaxweynaha Soomaaliya garoonka diyaaradaha Asmara kusoo dhaweeyay madaxweynaha dalka Eretariya Isaias Afwerki.

Dowladda Eretariya oo dhankeeda ka hadashay safarka madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegtay in madaxweynaha iyo wafdigiisa ku sugnaan doonaan magaalada Asmara ee Caasimadda dalka Eretariya mudo laba maalmood ah.

Labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Eretariya ayaa ka wada hadli doono xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood iyo xaaladahii ugu dambeeyay ee gobolka iyo Caalamka, sida ay shaacisay Wasaaradda Warfaafinta dalka Eretariya.

Socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh uu maanta ku tagay magaalada Asmara ayaa kusoo aadaya, iyadoo Soomaaliya ay xiisad culus kala dhaxeyso dowladda Itoobiya oo bilawgii bishaan heshiis falcelin badan keenay Adis Ababa kula gashay Somaliland.

Dowladda Soomaaliya iyo dalal badan oo Caalamka ka mid ah ayaa si adag uga horyimid heshiiska Raysal wasaare Abiy Ahmed uu Adis Ababa kula galay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaasoo la xariiray in Itoobiya ay hesho 20 KM oo ka mid ah Biyaha Soomaaliya, islamarkaana Somaliland ay u aqoonsan doonto dowlad madax banaan.