7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 8 , 2024
Madaxweyne Deni oo wareegga koowaad ee doorashada ku hoggaaminaya 35 cod

Isniin, January, 8, 2024 (HOL) - Wareega koowaad ee doorashada madaxweynaha Puntland ayaa lasoo gabagabeeyay, waxaana 35 cod ku hoggaaminaya madaxweyne Siciid Deni, oo haysta codadka aqlibiyada ee ku filan inuu ku guulaysto doorashada madaxweynaha Punatland.

Musharixiinta kusoo xiga oo kala ah Guuleed Saalax Barre iyo Abshir Haruuse ayaa kala haysta codad aan gaarayn 10 cod, waana labada musharax ee la aadi doona wareega labaad ee doorashada.

Waa markii ugu horraysay oo madaxweyne Puntland uu wareega ku helo codadka gaaraya 35 cod. Horey ayay u dhacday doorashadii guddoonka baarlamaanka in guddoomiyaha hadda jooga baarlamaanka uu helay 37 cod oo ah wareegii koowaad.

Madaxweyne Deni ayaa u badan tahay inuu markii labad kusoo laabto xilka madaxweynaha Puntalnd, wuxuuna noqon doonaa madaxweynihii ugu horreeyay ee labo jeer talada kusoo laabta.