7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 17, 2024
Golaha nabadda Midowga Afrika oo ugu baaqay Soomaaliya iyo Itoobiya inay wada hadal yeeshaan

Arbaco, January, 17, 2024 (HOL) - Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, ayaa ugu baaqay dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya inay is-xakameeyaan, is-dejiyaan oo ay wada-hadal macno leh ka yeeshaan xiisadaha dhexdooda ka taagan.

War murtiyeed uu soo saaray Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayuu ku booriyay labada dal in ay u hoggaansamaan mabda’a ah in aan la faragelin arrimaha gudaha ee labada dal ee xubinta ka ah Midowga Afrika, sidoo kalena ay Itoobiya iyo Soomaaliya ka fogaadaan falal keeni kara inuu sii xumaado xidhiidhka deris-wanaagga, iyo wada-jirka ka dhexeeya.

Goluhu waxa uu si aan gabasho lahayn u caddeeyay go’aankooda  iyo taageerada ay u hayaan ilaalinta midnimada, wadajirka dhuleed, madax-banaanida dhammaan dawladaha xubnaha ka ah, oo ay ku jiraan kuwa Itoobiya iyo Soomaaliya.

Sidoo kale, waxay ka codsadeen Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, in uu si degdeg ah u diro Wakiilka Sare ee Midowga Afrika ee Geeska Afrika, Olusegun Obasanjo, Madaxweynihii hore ee Nigeria, si uu u xojiyo wadahadal u dhexeeya labada waddan.