6/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 17, 2024
Dowladda Itoobiya oo soo bandhigtay Diyaarado dagaal oo casri ah

Arbaco, January, 17, 2024 (HOL) - Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay soo iibsatay diyaarado dagaal oo nooca jiilka shanaad ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo casri ah, kuwaas oo ay ku sheegtay inay ku xoojinayso ciidamadeeda cirka.

Warkan oo lagu baahiyay bogga rasmiga ah ee Facebook kuleeyihiin Ciidamada Itoobiya ayaa lagu sheegay inay Itoobiya hantiday Diyaaradaha dagaalka ee jiilka shanaad noocooduna yahay SU-30 oo casri ah, kuwaas oo la sheegay inay difaaci doonaan weerar kasta oo lagu soo qaado Dowladda Itoobiya, sida uu sheegay Taliyaha Ciidamada Itoobiya Birhanu Julla.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay mar uu ka hadlayay munaasabadda lagu soo bandhigayay Diyaaradahan in qalabaynta ciidamada cirka ee Itoobiya ay wax badan ka tari doonta adkaynta iyo xoojinta ciidamada cirka ee Itoobiya, waxa kale oo Taliyuhu xusay in Diyaaradahan dagaal ee ay hadda heshay Itoobiya ay yihiin kuwii u dambeeyay ee dunida laga isticmaalo.

Dhinaca kale Taliyaha guud ee ciidamada cirka Itoobiya Yilma Meredassa ayaa sheegay in Diyaaradahan dagaal ee ay Itoobiya heshay ee SU-30 iyo nooca aan duuliyaha lahayn ee Drone-ta ay awood buuxda u leeyihiin inay gaystaan weeraro degdeg ah, isla markaana ka hortagaan waxa uu ku tilmaamay cadowkasta oo kusoo duula Itoobiya, waa siduu hadalka u dhigay Taliyaha guud ee Ciidamada cirka Itoobiya.

Bandhiggan Itoobiya kusoo bandhigtay Diyaaradahan dagaal ee cusub ayaa kusoo aadaya xilli xiisadda u dhaxeysa Dowladda Itoobiya iyo Soomaliya ay meel xun marayso, taas oo ka dhalatay heshiiskii is afgarad ee dhinaca Badda ee billowgii bishan Addis Ababa ku dhex maray Dowladda Itoobiya iyo Somaliland, taas oo wali aan degin.