7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 17, 2024
Maraykanka: Heshiiska Itoobiya iyo Somaliland wuxuu halis ku yahay dagaalka ka dhanka ah Alshabaab
 

Arbaco, January, 17, 2024 (HOL) - Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay kasoo horjeedo heshiiskii dhawaan dhex maray dowladda Itoobiya iyo Somaliland.

War kasoo baxay aqalka Cad ayaa walaac looga  muujiyay in heshiiskaas uu horseedi karo xasillooni darro iyo in la carqaladeeyo dadaallada caalamiga ah ee looga hortagayo argagixisada.

John Kirby, isuduwaha xidhiidhka golaha amniga qaranka Maraykanka, ayaa u sheegay warfidiyeenka in aqoonsiga Itoobiya ay siiso Somaliland uu halis gelinayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

"Waxaan taageereynaa madax banaanida Soomaaliya iyo madaxbanaanidooda dhuleed, waana in la ixtiraamo."ayuu yiri John Kirby.

Itoobiya iyo Somaliland waxa ay kala saxeexdeen heshiis is-afgarad ah 1-dii Jannaayo, kaas oo Itoobiya u oggolaanaya in ay samaysato saldhig ciidan oo ku yaalla xeebaha Somaliland.

Taas beddelkeedna, Itoobiya ayaa Somaliland u ballanqaaday inay siinayso aqoonsi caalami ah.

"Ma aaminsanin in gobolku uu awoodi karo colaad kale, "Uma maleynayno in heshiiska isa-fgaradka ah uu u socdo jihada saxda ah." Kirby ayaa sidaas mar kale yiri.

Si kastaba ha ahaatee, IGAD ayaa iclaamisay shir looga hadlayo xiisadaha labada dal, kaas oo 28-ka bishaan ay ku qabanaysa dalka Uganda.

Hase ahaatee, Itoobiya ayaa ka meer meeraysa inay shirkaas ka qeyb gasho.