7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 17, 2024
Ururka Jaamaccada Carabta oo Maanta kulan ka yeelanaya Xiisada Soomaaliya iyo Itoobiya
 

Arbaco, January, 17, 2024 (HOL) - Waxaa maanta oo Arbaco lagu wadaa iney kulan dhanka fogaan araga ah yeeshaan Ururka Jaamacadda Carabta, kaasoo looga hadlayo xadgudubka Itoobiya oo ay ku dooneyso iney ku qaadato qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliya.

Ku xigeenka Xoghayaha guud ee Ururka  Hossam Zaki ayaa Axadii lasoo dhaafay shaaciyay in maanta oo Arbaco ah uu qabsoomayo kulanka, islamarkaana lagu lafa gurayo khilaafka iyo xiisada dhalatay xadgudubka Itoobiya ay ku samaysay madax banaanida Soomaaliya.

Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan u codeeyay qaraar lagu burinayo heshiis ku sheega bilowgii bishaan Addis Ababa ku dhexmaray Itoobiya iyo maamulka Somaliland.

Kulanka maanta ay ka yeelanayaan Ururka Jaamacadda Carab xiisadda Soomaaliya iyo itoobiya ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maalinta berito ah ay ku beegan tahay 18- ka bishan Janaayo madaxda dalalka IGAD ay ku balansan yihiin kulan deg deg ah oo la xariira Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, inkastoo Itoobiya ay shaacisay iney kulankaas ka qeyb gali karin.

Ugu dambeyntii damaca Itoobiya waxaa horay uga soo horjeestay oo garab istaag u muujiyay dowlada Soomaaliya, Ururro iyo dhinacyo kala duwan oo dhamaantood sheegay in waajib uu yahay ilaalinta madax banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.