7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 17, 2024
Booliiska Soomaaliya oo sheegay in gacanta lagu soo dhigay dadkii weeraray ciyaartoyda Koonfur Galbeed
 

Arbaco, January, 17, 2024 (HOL) - Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo goordhaw warbaahinta shir jaraa'id ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay dadkii ka dambeeyay weerarkii dhagxaanta loo adeegsaday ee 12-kii bishaan lagu qaaday bas ay saaranayeen ciyaartoyda Koonfur Galbeed.

Afhayeen doodishe ayaa sheegay in dadkaan lagu soo qabtay howlgal ay iska kaashadeen ciidamada Booliiska iyo NISA oo ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

Dadkaan ayaa ka kooban 11 ruux oo sadax ka mid ah ay yihiin dumar, kuwaas oo uu tilmamay afhayeenka iney yihiin kuwa sida gaarka ah loogu tuhmay weerarkii lagu qaaday xulka Koonfur Galbeed, xili ay kusii jeedeen hoyga ay ka daganayeen Muqdisho.

"Ciidanka waxa NISA iyo Boliiska waxa u surtagashay iney gacanta kuso dhigaan dadkii ka dambeeyay weerarkii lagu beegsaday Xulka Koonfur Galbeed ee dhagax tuurka ahaa laguna dhaawacay dhowr ciyaar yahan in lahayo oo lasoo taagi doono Maxkamad si loo marsiiyo sharciga, dad badan ayaa howlgalka lagu soo qabtay lakin waxa ku jiray kuwa aan qaan gaar aheyn oo lasii daayay" ayuu yiri Afhayeenka Booliiska Soomaaliya Sadiiq Doodishe.

Wuxuu sidoo kale afhayeenka ugu baaqay masuuliyiinta dowladda iyo ciidamada dowladda ee garoonka u daawasho tago iney u hoggaan samaan awaamiirta garoonka.

"Masuuliyiinta iyo ciidamada hubka sharci darada la gala garoonka waa iney sharciga dhowran oo shaarka dowladeed ku sameynin waxyaabo sharciga baal marsan" ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka Booliiska ayaa sidoo kale sheegay in la dajiyay qorshaha xasilinta amniga garoonka Kubadda Cagta Muqdisho, islamarkaana aysan dib dambe u dhici doonin waxyaabo lidi ku ah amaanka.