7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 17, 2024
Saraakiisha amniga iyo Shirkada Hormuud oo xal ka gaaray caqabadahii u dhaxeeyay

Arbaco, January, 17, 2024 (HOL) - Masuuliyiin ka tirsan hay'addaha amniga dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo Shirkada Isgaarsiinta Hormuud ayaa maanta ka wada hadlay xal u helida caqabadaha u dhaxeeyay laamaha amniga iyo Hormuud.

Labada dhinac ayaa la sheegay iney ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa ka wada shaqaynta danta guud si waafaqsan shuruucda dalka.

“Dowladda Soomaaliya waxay u taagan tahay ilaalinta amniga iyo badqabka Muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo hantidooda iyada oo markasta dhawraysa sharciga” ayaa lagu yiri Qoraal kooban oo lagu baahiyay Warbaahinta dowladda.

Qoraalka waxaa sidoo kale lagu sheegay in labada dhinac ay xal ka gaareen caqabadahii taagnaa ee dhexmaray hay'adaha amniga iyo shirkada Hormuud.

"Caqabadahii taagnaa waxaa loo xaliyay si ay ku jirto masxalada guud ee dalka, waxaana kulanku ku dhamaaday jawi wanaagsan" ayaa lagu yiri qoraalka.

Kulankaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maalmahii ugu dambeyaayay xiisad adag ay u dhaxeeyay NISA iyo Hormuud taas oo sababtay in la xiro qaar ka mid ah xarumaha shirkada iyo shaqaalaheeda Muqdisho, kadib markii NISA  Hormuud ku eedaysay in shaqaalaheedu qaarkood la shaqeeyaan Al-shabaab ayna shirkadu diiday in la baaro.