7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 17, 2024
Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay inay hawada dalka ka celisay diyaarad laga leeyahay Itoobiya

Arbaco, January, 17, 2024 (HOL) - Hay’adda duulista rayidka ah ee Soomaaliyeed ayaa xaqiijisay in ay hawada Soomaaliya ka celisay diyaarad laga leeyahay dalka Itoobiya, oo doonayso inay fasax la’aan uga degto magaalada Hargeysa ee Somaliland.

War saxaafadeed kasoo baxay Hay’adda duulista ayaa lagu sheegay in diyaaradan oo ay lahayd shirkadda Ethiopia Airline, nuuceedana uu ahaa Dash 8-Q400 aysan wax rukhsad ah u haysan inay marto hawada Soomaaliya.

Hay’adda duulista waxay sheegtay inay kusoo xad gudubtay sharuucda caalamiga ah ee hawada iyo sharuucda Soomaaliya, kuwaas oo ah in diyaaraduhu haystaan rukhsad marka ay ka dagayaan ama marayaan hawada dal kale.

Hay’addu waxay sheegtay in duulimaadyada caadiga ah ay sidoodii u socdaan, waxayna sheegtay in aysan ogolaan doonin in diyaarad aan rukhsad haysan ay soo gasho hawada Soomaaliya, si loo ilaaliyo nidaamka duulista.