7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 17, 2024
Shirkadda Ethiopia Airline oo qiratay in diyaarad ay leedahay loo diiday inay ka degto magaalada Hargeysa
 

Arbaco, January, 17, 2024 (HOL) - Diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines oo ku sii jeeday magaalada Hargeysa, ayaa dib loo soo celiyay ka hor inta aysan gelin hawada Soomaaliya.

Mesfin Tasew, oo ah madaxa fulinta ee shirkadda Ethiopian Airlines, ayaa yiri “Diyaarad ku socotay Hargeysa waxay noqotay inay dib u soo laabato markii la ogaaday in aysan ogolaansho ka haysan Soomaaliya”.

Dhacdadan ayaa dhacday sida lagu xaqiijiyay website-ka dabagalka duulimaadyada ee Flightradar24.

Sida ku cad xogta Flightradar, Duulimaadka Ethiopian Airlines ET372, oo ahaa duulimaad caadi ah, ayaa si nabad ah ku tagay Hargeysa 11:00 subaxnimo.

Taas bedelkeeda, diyaaradda de Havilland-400, oo duulimaad lambarkeedu ahaa ET8372, taas oo kasoo kacday Addis Ababa 8:30 subaxnimo, ayaa dib ugu laabatay garoonka Bole ee Addis Abeba 10:30 subaxnimo, kadib dowladda Soomaaliya ay diiday inay ka degto Hargeysa.

Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in Diyaaradda Ethiopian Airlines Duulimaadkeeda ET8372 aan fasax loo siin inay ku degto Hargeysa.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daa'uud Aweisa, ayaa BBC-da u sheegay in diyaarad siday saraakiil sarsare oo ka tirsan Itoobiya loo diiday inay gasho Hargeysa.