Arbaco, January, 17, 2024 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa u diiday diyaaradda Ethiopian airline in ay duulimaad aan la qorshayn oo aan fasax loo haysan ay kusoo gasho hawada Soomaaliya.
newsinsideIlo wareedyo ayaa sheegaya in Soomaaliya ay si kooban u hakisay dhammaan duullimaadyadii diyaaradda Ethiopian airline ee soo galayey Soomaaliya Arbacada maanta ah, si ay xoogga u saarto mowqifkeeda ku aadan duullimaadka aan la qorsheyn ee kusoo xad gudbaya hawadeeda.
Itoobiya iyo Somaliland ayaa 1-dii Jannaayo kala saxeexday heshiis ay Itoobiya 20km oo badda ah ku kiraysatay muddo 50 sano ah si ay Somaliland u hesho aqoonsi caalami ah, sida ay sheegeen masuuliyiinta Somaliland.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in heshiiskaas uu ku xad-gudbay madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalka.
Dhinaca kale, dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay saacadaha soo socda soo saarto war saxaafadeed ku saabsan duulimaadka Ethiopia ee laga celiyay hawada Soomaaliya.