7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 15, 2024
Cabdirashiid Janan oo mudo lix maalmood ah lagu la'yahay nolol iyo geeri

Isniin, January, 15, 2024 (HOL) - Warar kala duwan ayaa laga helaya xaalada nololeed ee Wasiirkii hore ee amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan oo la sheegay in nolol iyo geeri lagu weysan yahay lixdii maalmood ee lasoo dhaafay.

Wasiir Janan ayaa la sheegay in dad markii ugu war dambeysay uu ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, islamarkaana warar aanan la xaqiijinin ay sheegayaan in la dilay.

Wasiirka Wasaaradda amniga maamulka Jubbaland Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal oo warbaahinta la hadlay ayaa laamaha amniga dowladda Kenya ka dalbaday in xaalada Wasiir Janan nolol iyo geeri ay meel ku soo sheegaan.

"Dowladda aan walaalaha nahay ee Kenya, gaar ahaan laamaha amaanka waxan ka codsanaya in Wasiir Janan oo lagu la'yahay gudaha magaalada Nairobi mudo lix cisho ah in meel lagu cadeeyo, hadii dambiyo jiran oo lagu tuhmayo qof dambi wuu gali kara lakin waa in la ogaada mesha uu ku sugan yahay" ayuu yiri wasiir Dhuumaal.

Wasiirka amniga Jubblanad ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee ku nool Kenya, gaar ahaan Nairobi iney xil iska saaraan baadi goobka Cabdirashiid Janan nolol iyo geeri intaba.

Si kastaba ha ahaatee Ugaaska Maxamed Ugaas Ahmed oo ah Ugaaska Beesha uu ka dhashay Cabdirashiid Janan ayaa dhankiisa sheegay inuu ka walwal san yahay war la'aan nolol iyo geeri ee Cabdirashiid Janaan.

"Waxaan ugu baaqaynaa dowladda Kenya in ay qaaddo tillaabo rasmi ah oo lagu badbaadinayo Cabdirashiid, waxanan xasuusinaynaa dowladda Kenya in ay mas’uuliyad ka saarantahay ilaalinta nafta iyo hantida dadka Soomaaliyeed ee ku sugan geyigeeda" ayuu yiri Ugaas Maxamed Ugaas Axmed.

Ugaaska ayaa sidoo kale sheegay in horay gudaha dalka Kenya loogu afduubtay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ka soo jeeda deegaankooda, laguna dilay dalka Kenya gudihiisa si sharciga baal marsan.

"Arrintaan waxay abuuraysa shaki ah in, si gaar ah, loo ugaarsanayo dad Soomaaliyeed oo gaar ah, waxayna reebi karta saameyn taban" ayuu yiri Ugaaska.