7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 15, 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dhuusamareeb u tagay dardar galinta howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab
 

Isniin, January, 15, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee Shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay madaxweynaha.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan golayaasha dowladda ayaa maxaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb.

Ujeedka safarka madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay Dhuusamareeb ayaa lagu sheegay dardar galinta iyo dhameystirka wajiga kowaad ee howlgalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee haatan xoogiisa ka socda deegaanada maamulka Galmudug.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardargalinaya howgallada dalka looga sifeynayo Khawaarijta ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sanadkii tagay dhamaadkiisii mudo ku siman laba bilood ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb oo uu ka hagaayay dagaalka ka dhanka kooxda Al-shabaab, waxaana haatan muuqaneysa in howlgalada oo mudo hakad ku jiray markale uu madaxweynaha Soomaaliya dib u dardar galinaayo.

Si kaataba ha ahaatee ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa Al-shabaab ka xureeyeey degmooyin iyo deegaano badan oo ay kooxdu ka talin jirtay in ka badan 10 sano.