7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 15, 2024
Hay'adda NISA oo war kasoo saartay xarriga 3 kamid ah shaqaalaha shirkadda Hormuud
 

Isniin, January, 15, 2024 (HOL) - Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka ayaa sheegtay xarigga saddex kamid ah shaqaalaha shirkadda hormuud inuu ka dambeeyo, kadib markii ay shirkaddu diidday in fatashaad lagu sameeyo dhaqdhaqaaqa iyo koontooyin maaliyadeed oo ay leeyihiin shakhsiyaad lagu tuhmayo inay xiriir la leeyihiin Alshabaab.

Warsaxaafadeed NISA kasoo baxay ayaa lagu sheegay in Hormuud ay diidday wadashaqayntii iyo ka jawaabista codsiyadii loo diray, waxayna hay’addu ku eedeysay Hormuud in ay fakisay eedeysanayaal katirsan howlwadeennadeeda, kuwaas oo xiriir lahaa Alshabaab.

NISA waxay sheegtay in horey shirkadda Hormuud ay uga codsatay NISA, in ay ka caawiso dhibaatada ay kala kulanto Alshabaab.

Sida NISA ay sheegtay, shirkadda Hormuud ayaa dalbatay in fatashaad lagu sameeyo qaar kamid ah shaqaalaheeda oo lagu tuhmayo inay wada shaqayn iyo xiriir la leeyihiin Alshabaab.

NISA waxay sheegtay in shirkadda Hormuud ay ka baxday wada shaqayntii, sidoo kalena ay diidday codsiyadii ay u dirtay, waxayna hay’addu sheegtay inay qaadday tallaabo waajib gudasho ah oo ay kusoo xirtay qaar kamid ah shaqaalaheeda oo is hor istaag ku sameeyay inay baaritaan ku sameeyaan shakhsiyaad la tuhunsan yahay inay la shaqeeyaan Alshabaab.