7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 15, 2024
Al-shabaab oo Todobo qofood ku toogatay fagaare ku yaala magaalada Jilib
 

Isniin, January, 15, 2024 (HOL) - Ururka Al-shabaab ayaa fagaare ku yaala degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ku toogtay ilaa todobo ruux oo ay ku eedeeyeen iney ahayeen jaajuusiin la shaqeynaayay dowladda Fedaraalka Soomaaliya, maamulka Jubbaland iyo kuwa dowladaha Mareykanka iyo Kenya.

Goobta ay lagu toogtay ragaan ayaa waxaa u soo daawasho tagay dadka ku nool xaafadaha magaalada Jilib, kuwaas oo Al-shabaab ku amreen iney kasoo qeyb galaan toogashada todobada ruux, kuwaas oo dhamantood ahaa ragg u badan dhalinyaro.

Cali Bakar Yuusuf oo loo yaqaanay Xamze baajuuni oo da’diisu tahay 32 sano jir ayaa kooxdu ku eedeeysay inuu la shaqeenayay sirdoonka Kenya, halka Jamaal Idriis Nayaaga oo 23 sano jir ah isna Al-shabaab sheegeen inuu la shaqeenayay Sirdoonka dowladda Kenya , gaar ahaan kuwa loo yaqaan ATPU.

Waxaa sidoo kale raga la toogtay ka mid ahaa Juulo Muwan joule Jaaka Yaasir oo ahaa 28 sano jir, kaasoo sheegeen Al-shabaab inuu ka tirsanaa sirdoonka Kenya, Talar Cabdulle Aadan oo ahaa ninka ugu weyn raga la toogtay oo 55 sano jir ah ayay Shabaab ku eedeeyeen inuu la shaqeenayay sirdoonka Maraykanka ee CIA-da, halka Deeq Faarax Yuusuf oo 33 sano jir ah kooxdu isagana ku eedeeysay inu jaajuus u ahaa Kenya.

Mursal Xasan Yuusuf oo ah 19 sano jir ah ayaa isna Ururka Shabaab sheegeen uu ka tirsanaa ciidanka Jubbaland, halka Ibraahim Maxamed Ibraahim oo 27 sano jir isna kooxdu ku eedeeysay inuu ka tirsanaa dowladda Soomaaliya.

Ma ahan markii ugu horeysay oo kooxda Al-shabaab ku toogato fagaare ku yaala deegaanada ay ka taliyaan dad ay ku eedeynayaan iney yihiin Jaajuusiin la shaqeeya sirdoono kala duwan.