7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 15, 2024
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Taiwan ay u aqoonsan tahay dhul katirsan Shiinaha

Isniin, January, 15, 2024 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay aqoonsan tahay Taiwan inay tahay qayb ka tirsan Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha.

“Soomaaliya iyadoo ka duulaysa ka go’anaanshaha mabaadi’da ku qeexan Axdiga Qaramada Midoobay, waxay u dooddaa inaan la faragelin arrimaha gudaha ee dhammaan ummadaha,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibbada Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibbadu waxay sheegtay, u hoggaansanaanta mabda'a faragelinta la'aanta inay hoosta ka xariiqayso sida ay Soomaaliya uga go'an tahay kobcinta wada noolaanshaha caalamka iyo ixtiraamka madax-bannaanida.

Taiwan oo ah dal aan weli la aqoonsanayn, ayaa xiriir dhow laleh Somaliland, iyagoo horey u sheegay inay Somaliland u aqoonsanayaan dal ka madax bannaan Soomaaliya inteeda kale, iyadoo arrintaas ay dowladda Soomaaliya si aad ah u cambaaraysay.

Dhawaan, doorasho ka dhacday Taiwan, Lai Ching-te ayaa ku guuleystay doorashada madaxtinimo ee Taiwan. Qaar kamid ah hoggaamiyayaasha caalamka ayaa ammaanay sida tirada badan ee dadka ugu soo baxeen doorashada dalkaas ka dhacday.

Si kastaba ha ahaatee, wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa ku sheegtay bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka in ay si dhab ah u jebisay ballan-qaadyadii Mareykanka ee ahaa in ay kaliya ilaalin doonto xiriirka dhaqan, dhaqaale iyo kuwa kale ee aan rasmiga ahayn ee Taiwan.