7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 15, 2024
Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya oo go'aano cusub kasoo saaray tartankii Muqdisho ka socday
 

Isniin, January, 15, 2024 (HOL) - Xubnaha guddiga fulinta xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya iyo Ururada kubadda Cagta dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir ayaa maanta ka arinsaday xaalada tartanka kubada Cagta maamul goboleedyada iyo Gobalka Banaadir oo labadii maalin ee lasoo dhaafay hakad ku jray.

Kulanka ayaa labada dhinac waxay ku lafa gureen caqabadaha soo wajahay tartanka kubadda cagta dowlad goboleedyada ee ka socday Muqdisho iyo weerarkii lagu qaaday ciyaartoda maamulka Koonfur Galbeed ee isaga baxay tartanka, kuna laabtay Shalay magaalada Baydhabo.

Warsaxafadeed ka soo baxay kulanka dhexmaray Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya iyo Ururada kubadda Cagta maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa laga soo saaray lix qodob oo xasaasi ah.

Qodobada Warsaxafadeedka waxaa ka mid ah in ciyaaraha tartanka maamul goboleedyadda aan la ciyaari karin inta laga helaayo habka masuuliyadda tartanka, islamarkaana ay muhiim tahay in la helo Masuuliyad wadareedka xaga Amniga maamulidda iyo garoomadda kubadda Cagta.

Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya iyo Ururada kubadda Cagta maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa cambaareeyay falkii lagu weeraray baskii ay saarnayeen ciyaartooyda Koonfur Galbeed, iyagoona ku tilmaamay falkaasi mid ka baxsan shuruucda Kubadda Cagta.

Hoos ka Akhriso Warsaxafadeedka kasoo baxay Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya oo faahfaahsan:-