7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 15, 2024
Ciidamo ka gadoodsan dib u doorashada madaxweyne Deni oo haysta kantaroolka Garowe
 

Isniin, January, 15, 2024 (HOL) - Ciidamo ka gadoodsan doorashadii madaxweynaha Puntland ayaa muddo dhowr maalmood ah gacanta ku haya kantaroolka Galbeed ee Garowe, iyagoo xoog ku qabsaday maalmo kadib markii madaxweyne Deni dib loogu doortay madaxweynaha Puntland.

Ciidamadan ayaa kasoo horjeestay doorashadii dhacday, iyagoo sheegay in madaxweyne Deni uu boobay doorashadaas, islamarkaasna aysan ahayn mid si caddaalad ah loogu tartamay.

Warar aanu ka helnay Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ganacsato iyo nabadoono kasoo jeeda magaalada Garowe ay haatan ku howlan yihiin in ciidamadaas laga qaado kantaroolka dibna loogu celiyo xarumahooda.

Dhinacyadan ayaa ku howlan in la xalliyo tabashooyinka ciidamadan oo sidoo kale ka cabanaya lacago xaquuqo ah oo ay sheegeen inay uga maqan yihiin maamulka Puntland, iyagoo sheegay in markii ay ka hor yimaadeen madaxweynaha laga joojiyay mushaaraadkoodii.

Galabta ama berrito ayaa la filayaa in ciidamadan laga saaro kantaroolka ay haystaan, xilli ay magaalada Garowe isku diyaarinayso marti galinta wafuudda ka qeyb galaysa caleemo saarka madaxweyne Deni, oo ku beegan todobaadka dambe.