7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 15, 2024
Golaha Wakiilada Somaliland oo diiday wax ka badal lagu sameeyay xeerka doorashooyinka

Isniin, January, 15, 2024 (HOL) - Golaha Wakiilada Somaliland ayaa diiday wax ka badal ay golaha guurtidu ku sameeyeen xeerka doorashooyinka ee Lr 91.

Golaha ayaa cod caqlabiyad ah ku ansixiyay xeerka doorashooyinka, iyaga oo ka saaray wax ka gadal ay ku sameeyeen Golaha Guurtida Somaliland, sida lagu baahiyay barta Facebook ee golaha.

"Waxa Cod aqlabiyad weyn ah lagu ansixiyey Xeer Lr 91 Sidii uu hore goluhu ugu ansixiyey, meeshana lagaga saaray wax ka bedelkii Guurtida  Golaha oo ay fadhiyeen 71 Xildhibaan Waxa sidii uu golaha kaga baxay ku ogolaaday 69 xildhibaanWaxa ka aamusy 1 xildhibaan
Waxa diiday 0 Xildhibaan gudoomiyuhuna muu codaynin".

Xeerka ayaa hada u gudbi doona Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo isagu leh awooda ugu danbaysa ee dhaqangalinta xeerka.

Golaha Guurtida ayaa xeerkan kusoo kordhiyay in xisbiyadu ay kusoo baxaan cod hal dheeri ah, wax ka badalkaas oo uu golaha wakiiladu ka saaray maanta, xisbiyada ayaa hada ku qasbanaan doona in ay cod 20% ka helaan dhamaan gobolada si ay u guulaystaan.