7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 15, 2024
Maamulka shirkadda Hormuud oo ka hadlay saddex kamid ah shaqaalaheeda oo hay'adda nabad sugiddu xirtay
 

Isniin, January, 15, 2024 (HOL) - Shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud ayaa ku eedeysay ciidamada nabad sugidda inay si sharci darro ah xabsiga u dhigeen saddex kamid ah maamulka shirkadda oo ka howlgalayay xarunta Hormuud ee Tareebiyaano.

Warsaxaafadeed kasoo baxay shirkadda Hormuud ayaa lagu sheegay in ciidamada ay gesteen Khalkhal galin iyo ku tagrifal awoodeed, waxaynu shirkaddu sheegtay inay falalkaas uga jawaab celin doonto si waafaqsan sharciga.

Shirkadda Hormuud waxay sheegtay in loo xiray shaqaalaheeda ka dib markii maamulka xaruntu uu diiday in la daabaco dhaqdhaqaaqa maaliyadeed ee macaamiisha.

“Maamulka shirkadda ee xarunta Tareebiyaano oo cuskanaya sharuucda waxay saraakiisha u diideen in aysna la wadaagi Karin xogta macaamiisha, sida uu qabo qodobka 8-aad, farqaddiisa 2aad ee sharciga nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka (Sharci Lr.003) iyo sidoo kale qodobka 65aa, farqaddiisa 2aad ee sharciga isgaarsiinta qaranka (Sharci Lr. 005), ayay tiri Hormuud.

Shirkadda Hormuud waxay sheegtay in falkaan uu kusoo beegmay, iyadoo muddooyinkii ugu dambeeyay shirkadda lagu hayay beegsi ka dhan ah shaqaalaheeda, gaadiidkeeda iyo xarumaheeda, taasoo ka dhalatay dil, dhaawac iyo burbur hantiyeed.