8/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 26, 2024
Somaliland: Jabhad shalay weerar ku qaaday Balligubadle oo la kala diray
 

Isniin, Agoosto, 26, 2024 (HOL) - Jabhad la baxday Sancaani 2 oo shalay weerar ku qaaday magaalada Balligubadle ee gobolka Hawd ee Somaliland, ayaa aqbashay in ay hubka dhigto.

Jabhadan oo duurka gobolka Hawd gashay kadib markii qaar kamid ah ururada siyaasadu ay kasoo horjeedsadeen go'aankii ururada cusub lagaga saaray doorashada madaxtooyada, ayaa kadib waan waan ay qayb ka ahaayeen dadka deegaanku aqbashay in ay hubka dhigto.

Jabhadan ayaa taageero ka heli wayday urur siyaasadeedka Horseed oo ay dartii qoryaha u qaateen, kadib markii uu ururku qaadacay nidaamka cusub ee doorashooyinka Somaliland, guddoomiyaha ururka Cabdillaahi Dirawal ayaa kasoo horjeedsaday in qori lagu gaadho han siyaasadeed.

Jabhadan ayaa shalay weerar arbushaad u badnaa ku qaaday saldhiga booliiska ee magaalada Balligubadle, iyada oo ay booliisku ku guulaysteen in ay qabsadaan mid kamid ah 4 baabuur oo ay jabhadu wadatay, halka mid kamid ah jabhadana la dhaawacay.

Booliiska Somaliland ayaa sheegay in ay talaabo adag ka qaadi doonaan qofkii lagu arko qori ama tuute ciidan kadib heshiiska laga gaadhay jabhada.