8/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 26, 2024
Horjooge iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe
 

Isniin, Agoosto, 26, 2024 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka oo is kaashanaya ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ka fuliyay deegaano ku yaala Galbeed gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada is garabsanaya ayaa la sheegay iney weerareen goobo ay ku dhuumaaleysanayeen xubnaha Al-shabaab oo ay ka wadeen qorshe ku aadan weeraro ay kusoo qaadaan Fariisimaha ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ku leeyihiin Galbeedka gobolkaas.

Sarkaal ka tirsan ciidanka deegaanka oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay sadax ka mid ah kooxda Al-shabaab oo uu ku jiray horjoogahii xubno Al-shabaab ee is aruursanayay.

Sarkaalka Macawiisleeyda ah ma sheegin magaca horjoogaha howlgalka lagu dilay iyo xilka uu haayay, wuxuuna sidoo kale sheegay in howlgalada noocaan oo kale ah ay sii wadi doonaan inta ay kooxdu ka ciribtirayaan guud ahaan deegaanada gobolka Shabeellaha dhexe.

Dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ayaa kordhiyay howlgalada ka dhan ah Al-shabaab, waxaana xusid mudan in labadii sano ee lasoo dhaafay si weyn loo wiiqay awoodii kooxdu laheyd dhowr iyo tabankii sano ee lasoo dhaafay, kadib markii laga xureeyay dhul baaxad leh oo ay kooxdu ka talin jirtay mudo dheer.