8/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 26, 2024
Madaxweynahii hore ee dalka iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada Beelaha Hawiye oo ka shiray cabashada ganacsatada Muqdisho
 

Isniin, Agoosto, 26, 2024 (HOL) - Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa hoyga uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho kulan ugu sameeyay qaar ka mid ah Xildhibaanada labada gole Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ku matala Beelaha Hawiye.

Kulanka dhexmaray Madaxweynihii hore ee dalka iyo Xildhibaanada kasoo jeeda Beelaha Hawiye ayaa ahaa mid ay uga wadahadleen xaalada guud ee dalka, gaar ahaan dhibaatada haysata ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda Muqdisho.

Xildhibaanada ayaa si weyn uga dooday sidii xal loogu heli lahaa cabashada ganacsatada Muqdisho ee ku aadan dhanka Canshuuraha ay soo kordhisay dowladda Fedaraalka Soomaaliya.  

Waxaa sidoo kale kulanka looga arinsaday dhibaatooyinka ganacsatada reer Muqdisho uga imaanaya, dhinaca kooxda Al-shabaab oo beegsi burburin ah ku haysa ganacsiyada ku yaala Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Habeen hore ayey aheyd markii Al-Shabaab ay gubtay suuqii ugu weynaa deegaanka Ceelasha Biyaha, kadib markii ay ku xireen miinooyin loo sababeeyay in ganacsatada suuqaasi ay u hoggaansameen amarkii dowladda ee ahaa in lagu xiro goobaha ganacsiga Kaamerooyinka qarsoon ee CCTV.

Inkastoo Xildhibaanada kulankaan isugu yimid ay si rasmi ah uga warbixin kulankooda hadana waxaa wararka aan ka helnay ay sheegayaan iney isku raaceen madaxweynahii hore iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada beelaha Hawiye in la dhageysto cabashooyinka ka imaanaya qeybaha kala duwan ee bulshada iyo ganacsatada, islamarkaana loo istaago sidii wax looga qaban lahaa culeysyada haysta.