8/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 26, 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Lataliyaha Arrimaha Ciidamada Qalabla Sida
 

Isniin, Agoosto, 26, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Sarreeye Gaas Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud inuu noqdo Lataliyahiisa arrimaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Sareeye Gaas Cabdullaahi Gaafow Maxamuud ayaa horey u soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid ahayeen taliyaha ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya iyo Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

"Sarreeye Gaas Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud ayaa khibrad durugsan u leh sugidda amniga gudaha iyo difaaca Qaranka, isagoo horey u soo noqday Taliyaha hay’adaha Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo Socdaalka iyo Jinsiyadaha. Sidoo kale mas’uuliyado kale ayuu dalka ugu soo shaqeeyay." Ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faray Lataliyahiisa cusub ee arrimaha ciidanada qalabka sida inuu doorkiisa ka qaato qorsheyaasha Qaran ee dib u dhiska ciidamada iyo sidii loo dhamaystiri lahaa dagaalka dalka looga xoreynato kooxda Al-shabaab.