8/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 26, 2024
Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA oo sheegay in anay warbaahintu dhex ka noqon doonin qadiyada Somaliland
 

Isniin, Agoosto, 26, 2024 (HOL) - Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa saxafiyiinta ugu baaqay in ay wararka iska hubsadaan isla markaana ay ka foojignaadan wararka waxyeelaynaya Somaliland.

War kasoo baxay ururka ayaa lagu amaanay doorka ay saxafiyiintu kaga jiraan ilaalinta qadiyada Somaliland, waxa uunu ururku saxafiiyinta ugu baaqay in ay raadiyaan wararka kor u qaadaya isku duubnida bulshada Somaliland.

SOLJA waxa ay sheegtay in warbaahintu anay dhex ka noqon doonin qadiyada Somaliland "Waxa aanu xusaynaa in warbaahinta Somaliland anay dhex ka ahayn marka ay taagantahay qaranimada Somaliland" ayaa lagu yidhi qoraalka SOLJA.

Ururku waxa uu inta sii raaciyay in warbaahintu ay Somaliland kala soo dabaasheen wakhtiyo adag isla markaana, ay hada diyaar u yihiin in ay door kooda ka qaataan badbaadada Somaliland, ka shaqaynta doorashooyinka iyo tabinta warar toolmoon oo dhinacyada siyaasada laga tabiyo.

Ugu danbayn, SOLJA waxay ugu baaqday xukuumada iyo mucaaradka Somaliland, in ay joojinta eedaha bulshada kala fogaynaya oo ay u midoobaan difaaca Somaliland.